Maaha Koridd Farxadeed: Gorgor Khaati Ka Istaagay Shimbir Laaye Dusha Ka Fuulay

Minnesota, (HCTV)  – Sawirqaade Jason McCarty oo ah sawir qaade dabcigiisu yahay inuu sawiro waxyaalaha cajiibka ah ayaa dhawaan ku guulaystay inuu sawiro isagoo jooga gurigiisa oo ku yaala bartamaha Minnesota inuu sawiro Gorgor weyn oo khaati bilaahi ka taagan shimbir madow oo dusha ka fuushay.

Shimbirkan yar ee Madow ayaan isagu ka cabsan inuu weeraro xataa xayaawanada ka waaweyn, waxa uu laayaa shimbiraha.

Sawir qaaduhu waxa uu daawanayey  Gorgorkan oo uu ugu yeedho Janice oo ah mid dhadig oo uu dusha ka saaran yahay Baaskan madow, waxaanay ka badbaaday dhaw weerar oo uu ku soo qaaday.

Waxaanu tilmaamay in Shimbi Laayahani aanu waxyeelo gaadhsiin dhabarka Gorgorka weyn ee uu dusha ka fuulay.

Tan iyo intii McCarty uu sawirka kula soo wadaagay dadweynaha baraha bulshada ee  Facebook, ayaa xoog looga soo dhiibtay fariimo aad u farabadan   oo dhacdadan lagaga hadlayey.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.