Pakistan: Ugu Yaraan 15 Qof Oo Ku Dhintay Laba Tareen Oo Isku Dhacay

Islamabad, (HCTV) – Labada tareen Oo isku dhacay dalka Pakistan oo midi uu ahaa Tareen raab iyo mid kale oo alaab cargo ah siday ayaa isku dhacay badhtamaha magaalada Rahim Yar Khan oo ku taala dalka Pakistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 70 kale, sida ay sheegayaan ciidamada bileyska iyo saraakiisha caafimaadku.

Shilkan oo dhacay maanta oo khamiis ah ayaa ka dhacay xarunta tareenada ee Walhar railway station, oo koonfur kaga beegan Rahim Yar Khan.

“Tareenka Rakaabka ee Akbar ayaa ka yimid Bahawalpur una socda Quetta waxaanu ku dhacay tareen kale oo nooca alaabta qaada ah, 7.40am,” sida sarkaal ka tirsan ciidamada bileysku ay u xaqiijiyeen warbaahinta dalkaasi.

Sarkaal bileys oo magaciisa la yidhaa Umar Salamat ayaa sheegay in tareenka rakaabu uu dhinac khaldan ka soo galay sidaana uu ugu dhacay tareenka kale oo meel taagan.

Hawlaha gurmadka lagula tacaalayo dadka ay waxyeeladaasi ka soo gaadhay isku dhaca labadaasi tareen ayaa socota, waxaana shaqaalaha gargaarku ay qalab u isticmaalayaan sidii looga soo saari lahaa dadka ku xaniban burburka tareenka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.