UK Oo Culays Lagu Saarayo Inay Aqoonsato Somaliland

London, (HCTV) – Dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa Culayska lagu saarayaa inuu aqoonsado Somaliland  kadib markii ay baaqyadaasi iyo dhaqdhaqaaqyo lagu doonayo aqoonsiga Somaliland ay ku soo biireen madaxda magaalada Birmingham ee dalka UK.

Magaalada Birmingham waxa ay hadda hogaaminaysa baaqyadaasi kadib markii hogaamiyeyaasheedu ay saxeexeen warqad ay kaga mid noqonayaan in Somaliland ay tahay dal Madaxbanaan.

Hogaamiyeyaasha Saddexda xisbi ee ugu waaweyn xisbiyada siyaasada ee Councillor Ian Ward (Labour), Cllr Robert Alden (Conservatives) iyo the Council’s Lib Dem leader, Cllr Jon Hunt, ayaa ku biiray Ayan Mahamoud, oo ah wakiilka Somaliland ee dalka UK iyo Barwaaqo Sooranka, iyagoo saxeexay warqad ay wadajir ugu dirayaan Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Jeremy Hunt – oo ay ku boorinayaan dawlada UK inay Somaliland u aqoonsato dal Madaxbanaan – oo si rasmi ah loo aqoonsado.

Somaliland ayaa hore u ahayd Maxmiyad ka tirsan Britishka oo Madaxbanaanideedkii kala soo noqotay Somalia 1991-kii oo dagaal sokeeye uu ka bilaabmay Somalia, balse Somaliland ay ilaa xiligaasi ka talinayeen dawlado la soo doortay oo raadinayey aqoonsi caalami ah.

Maalintii Salaasadii ayay ahayd markii Birmingham ay ku soo biirtay magaalooyinka Cardiff, Tower Hamlets iyo Shefffield oo Somaliland u aqoonsaday dal Madaxbanaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.