Afghan: 16 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lala Beegsaday Xaflad Aroos

Nangarhar, ,(HCTV) – Ugu yaraan 16 ayaa ku dhintay halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xafladd aroos oo ka socotay gobolka bariga dalkaasi ee Nangarhar, sida ay sheegeen saraakiisha bileyska dalkaasi.

Taliyaha Ciidamada ee degmada Pachir Aw Aga moo magaciisa la yidhaa Fayz Maxamed Babrkhil ayaa sheegay in qofka isqarxiyey uu soo galay gurigii ay xafladda aroosku ka socota habeenimadii jimcihii xalay.

“Qaraxu waxa uu ka dhacay gudaha arooska, gaar ahaana markii dadku ay isugu soo urureen halmeel oo cuntadu taalay,” sidaasi waxa yidhi Afhayeen u hadlay Gobolka Nangarhar oo magaciisa la yidhaahdo Atahullah Khogyani.

Waxaanu intaasi ku daray in dad badan oo munaasibada arooska ka soo qaybgalay ay ku dhinteen weerarkaasi ismiidaaminta ah ee lagu soo qaaday xaflada arooska halka 14 kalena loola cararay cusbitaalka inkastoo dhaawacu uu markii dambe intaasi ka hordhay.

Kooxda Taliban oo iyadu dhawaan sheegtay inay yaraynayso weerarada ay shacabka khasaaruhu ka soo gaadho ayaa diiday inay leedahay masuuliyada weerarkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.