Shixnadii Ugu Horaysay Ee Hubka Turkigu Ka Soo Iibsaday Ruushka Oo Soo Gaadhay Ankara

Shixnadii Ugu Horaysay Ee Hubka Turkigu Ka Soo Iibsaday Ruushka Oo Soo Gaadhay Ankara

Muqdisho: Ciidamo Tacshiirad Isku Weydaarsaday Isgoyska Manapolio
Munaasibad Qalin Jabin Ah Ayaa Loo Qabtay Dufcadii 8Aad Ee Ka Qalin Jabisa Jaamacada Burco
Madaxweyne Biixi Oo U Garaabay Muwaadiniinta Dhaliila Xukuumaddiisa
Madaxweynaha Somailand Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Ciidamada Asluubta
Degdeg: Duqeymo Cirka Ah Oo Ka Dhacay Puntland

Ankara, (HCTV) – Shixnadii ugu horaysay ee gantaalada Difaaca ee dalka Ruushku uu ka iibiyey dalka Turkiga ayaa gaadhay dalkaasi, sida uu sheegay Wasiirka difaaca ee dalka Turkiga.

Wasiirka dufaaca dalka Turkiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta oo jimce ah ku sheegay in Qalabkii ugu horeeyey ee lagu casriyeynayey hanaanka difaaca uu soo gaadhay saldhiga ciidamada cirka ee Murted oo ku yaala magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Waxaanu intaasi ku daray in sidoo kale ay dalkaasi soo gaadhi doonaan maalmaha soo socda qaybaha hadhay ee hubkan difaaca cirka ee dalka Turkigu uu ka iibsaday dalka Ruushka.

Hubkan dalka Turkigu uu ka iibsaday dalka Ruushka ayaa xiisad ka dhex abuuray dalka Maraykanka iyo Turkiga, kaas oo dalka Maraykanku aanu jeclaysan talaabada ay qaaday dawlada Turkigu maadaama oo ay ka wadatirsan yihiin isbahaysiga NATO.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: