Crisis Group Oo Warbixin Ka Soo Saartay Khatarta Dib u Dhaca Wadahadaladda Somaliland Iyo Somalia

Brussels, (HCTV) – Xiisada ka dhaxaysa Somalia iyo Somaliland waxay baaqi ku sii ahayd mid kacsan. Xudunta halka la isku mari waxa weeyi Somaliland oo taagan siyaasi ahaan in 1991 ay ku dhawaaqeen madaxbanaanidooda iyo Somalia oo diidan.

Xidhiidhkuna waxa uu sii cakirmay sanadkii 2018-kii ciidamo ka socda Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Somalia ee Puntland oo daacad u ah dawladda Federalku ee Muqdisho uu dagaal ku dhexmaray dhul ay ku muran san yihiin.

Heshiisyadii ay Somaliland la gashay Imaaraadka iyo Ethiopia si loo maamulo dakadeeda ugu weyn – ayaa Muqdisho ay u aragtay inay caqabad ku tahay madaxbanaanideeda – Waxaanay abuurtay inay si qoto dheer uga soo horjeedo.

Balse kala duwanaanshahaasi waxa uu si fudud u galay sanadkii 2019, oo cadaadis dibadeed uu abuuray in dib loo dhaqaajiyo wada xaajood dhexmara labada dhinac, taas oo markii ugu dambaysay ee ay si dhab ah u wada hadlaan ay ahayd 2015.

Waxaanay labada dhinac ay xiligaasi wadahadalkoodu uu ahaa mid farsamo, oo diirada lagu saarayay amaanka iyo dhaqalaha, iyadoo laga fogaanayey mar kasta arinta siyaasada qaangaadhka ah ee Somaliland.

Cida dhexdhexaadka ah, sida Midawga AFrika waa inay ugu yeedhaan wada hadalka, sidaa darteed maadaama oo dawladaha saamaynta ku leh gobolku in ay u arkaan in dhexdhexaadintu ay khatar galinayso danahooda.

https://www.crisisgroup.org/africa/horn-africa/somalia/280-somalia-somaliland-perils-delaying-new-talks?fbclid=IwAR2WJ26twweDVpFeZ0U9btRbhGIlDZ5y8TMQYG8zCBXuCzEDi3EpGXXDohI

HORN CABLE TV,

WAAXA ONLINE-KA.