22 Dawladood Oo Cambaareeyay Sida Uu Shiinuhu Ula Dhaqmayo Muslimiinta Dalkiisa

Geneva, (HCTV) – In ka badan 22 Waddan oo wakiilo ku leh Qaramada Midoobay ayaa warqad u diray golaha xuquuqal insaanka Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay Geneva, kuwaas oo cambaareeyey talaabooyinka iyo habdhaqanada guracan ee dalka Shiinuhu uu ula dhaqmayo Muslimiinta dalkiisa.

Diblomaasiyiintan Qaramada Midoobay oo ka ka kala yimid 22 wadan oo u badan dalalka reer Yurub oo ay barbar socdaan dalalka Australia, Canada, Japan iyo New Zealand ayaa saxeexay warqadaasi, inkastoo dawlada Maraykanku aanay wali saxeexin.

Safiiradani waxa ay muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin Xarumaha lagu xabisay dadkaasi Muslimiinta ee dalka Shiinaha oo la karantiimeeyey, gaar ahaana qoomiyada laga tirada badan yahay ee Uighurs iyo kuwo kale oo ku nool gobolka Xinjiang.

Waxaanay dawlada Shiinaha ay ugu baaqeen inay joojiyo karantiimaynta iyo xabisaada dadka oo ay u ogolaato “Xoriyada dhaqdhaqaaqa” ee bulshooyinkaasi.

“War-saxaafadeedkan sida wadajirka ah ayaanu usoo saarnay ayaa ah mid muhiim ah maaha oo kaliya shacabka ku dhaqan gobolka Xinjing balse dhamaan dadka aduunka oo dhan ayaa dalbanaya in Xubnaha xuquuqda aadamaha ee Qaramada Midoobay oo ah kuwa ugu awooda badan ay arintaasi wax ka qabtaan,” Sidaasi waxa yidhi Agaasimaha hay’adda Human Rights Watch, John Fisher, oo fadhigoodu yahay Geneva.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.