Qarax Xoogle Iyo Toogasho Wada Socda Oo Lagu Qaaday Hotel Ku Yaala Kismaayo

Mogadishu, (HCTV) – Qarax gaadhi ayaa lala beegsaday hotel ku yaala magaalo dekedeeda Kismaayo ee Somalia, halkaas oo odayaal deegaanka ah iyo xildhibaano ay kulan ku lahaayeen, waxaana weerarka gaadhiga daba socday rab hubaysan oo tacshiirad toogasho ah ka geystay hotelka, sida ay sheegayaan saraakiisha bileyska Somalia.

Kooxda mayalka adag ee –Al-shabaab oo xidhiidh la leh Al Qaaciida ayaa sheegtay inay iyagu weerarkaasi ay qaadeen.

“Qaraxa ayaa ka dhacay Hotelka Asasey oo ku yaala badhtamaha magaalada Kismaayo, waxaana qaraxa daba socday dablay hubaysan oo hotelka soo galay oo rasaas adeegsaday.

Weerarkan ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha uu sababay, waxaana hutelka ku kulmayey odayaal deegaanka ah iyo xildhibaano.” Sidaasi waxa Wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay Major Mohamed Abdi, oo ka tirsan saraakiisha Bileyska.

Cabdicasiis Abu Musab, oo ah Afhayeen hawlgalada milatariga u qaabilsan kooxda al Shabaab ayaa sheegay in kooxddiisu ay weerarkaasi ka dambaysay ilaa iyo hadana uu dagaalku socdo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.