Saxafiyad Caan Ah Oo Ku Geeriyootay Qaraxii Ka Dhacay Kismaayo

Kismaayo, (HCTV) – Alle ha u naxariistee waxa ku geeriyootay weerarkii lagu qaaday hotel ku yaala magaalada Kismaayo ee dalka Somalia, Suxufiyad Hodan Naaleeyeh oo ahayd suxufiyad Somali-Canadian ah oo dad badan ay yaqaaneen.

Suxufiyad Hodan iyo Saygeeda ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen hotelka uu qaraxu ka dhacay ee magaalada Kismaayo ee Somalia, waxaanay labadooduba ka mid ahaayeen dadkii lagu dilay qaraxaasi iyo toogasho wada socday oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo.

Alle ha u naxariistee dadka yaqaanay Suxufiyadan ayaa sheegay inay ahayd qof wanaagsan oo mar walba ka shaqeyn jirtay wanaagga bulshada Soomaalida.

Kooxda mayalka adag ee Al-shabaab oo xidhiidh la leh Al Qaaciida ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaasi inay iyagu ka dambeeyeen.

Cabdicasiis Abu Musab, oo ah Afhayeen hawlgalada milatariga u qaabilsan kooxda al Shabaab ayaa sheegay in kooxddiisu ay weerarkaasi ka dambaysay ilaa iyo hadana uu dagaalku socdo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.