Warbaahinta Al-shabaab Maxay Ku Sheegeen Sababta Weerarka Kismaayo ?

Kismaayo (HCTV) – Ciidammada Amniga ee Maamul-gobolleedka Jubbaland ayaa goor dhawayd soo Afjaray hawl-gal qaatay muddo 10 Saacadood ka badan oo ay ka wadeen Huteelka Cascaseey oo ku yaalla Xeebta Magaalada Kismaayo, kaasi oo ay Shalay Makhribkii Qaraxyo iyo Weerar toos ah ka fuliyeen Kooxda Al-sabaab.

Dagaalameyaasha Al-shabaab oo weerarkooda koowaad ahaa gaadhi ay ku qarxiyeen Afaafka Huteelka isla-markaana halkaa ku dilay Dad badan oo Rayid ah oo ay ku jireen Dad caan ah, ayaa markaa ka dib rasaas toos ah bilaabay, waxaana u suurto-gashay inay gudaha u galaan Qolalka Huteelka, halkaasi oo ay dhibaato badan ka geysteen.

Xubnaha Al-shabaab oo aad u hubaysnaa ayaa gudaha Huteelka waxa Dagaal qadhaadh ku dhex maray Ciidammada Amniga ee Jubbaland, waxaana dagaalkaasi qaatay muddo dheer, waxaana ka dhashay khasaare laxaad leh.

Qaraxa koowaad ee Gaadhiga iyo Rasaasta ay Adeegsanayeen Kooxda Weerarka soo qaadday ayaa la sheegay inay ku dhinteen Dad gaadhay 13 Qof, waxaana Dad goob-joogeyaal ahi sheegayaan inay suurto-gal tahay in dhimashadu intaa ka badato, maaddaama oo dhawacu badan yahay.

kooxda Weerarka qaadday oo aan tiradooda rasmiga ah la garanayn ayaa illaa Xalay ku jiray Gudaha Huteelka Cascaseey, waxaana Idaacadda Andulus ee Afka Al-shabaab ku hadashaa sheegtay in Xubnaha Weerarka qaaday ay dileen Dad iyagoo nool ay qabteen, ka dib markii ay waraysteen, halka Dad dhaawac ahaa oo Qaybaha huteelka ay ugu tageen qudha ka jareen (dhaawac-tir).

Xubin ka mid ah Shaqaalaha Madaxtooada Jubbaland oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in Rasaastu socotay illaa Waaberigii Saaka, halka Al-jazeera oo Warkan tebisayna sheegtay in goor dhawayd la soo afjaray.

Weerarkan khasaaraha badan keenay ayaa Xubno taageersan Al-shabaab oo Idaacadda Andulus ku waraysatay Barnaamij Idaacaddu ku fallan-qaysey Weerarkan waxay ku sheegeen in lagu soo beegay Xilli Magaalada Kismaayo la ciir-ciirayso Dad ka qayb-galaya doorashada Madaxweyne-nimada Jubbaland isla-markaana ay magaalada joogeen Musharraxiin iyo Ergooyin faro badan iyo Dad kale oo muhiim ah.

Sidoo kale, Sababta Weerarkan Al-shabaab ugu qaadday Huteelka kismaayo ku yaalla ayay wax ku macneeyeen inay kaga hor-tagayso Qorshe maamulka Jubbaland uu ku doonayo inuu si buuxda ugula wareegayo Amniga guud ahaan Magaaladaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka