Roobab Burburiyay Xeryaha Qaxootiga Rohinga

Bangladesh (HCTV) – Maalmo Roobab waaweyni ka da’ayeen Dalka Bangladesh ayaa waxay waxyeelo badan soo gaadhsiiyeen Xeryaha ay ku jiraan Qoxooti Rohinga ee firxadka kaga maqan Dalkooda Myanmar.

Roobabka waaweyn ayaa waxay sababeen Daadad iyo Dabaylo baro-kiciyey ugu yaraan 2,700 Dad ah, waxaana dhibaato soo gaadhay kumanaan Guri, waxaana ku dhintay Ruux Dumar ah iyo Wiil yar.

Qaybo ka mid ah Xeryaha waaweyn ee Qoxootiga Reer Myanmar ayaa waxa saddex maalmood ku da’ayey Roobab lagu qiyaasay maalintiiba inuu ahaa  500 millimetres, taasi Qiyaastii u dhiganta Roobabkii di’i lahaa bilaha June illaa July.

Hay’adaha Gargaarka bani-aadamnimo ayaa sheegay inay Dadka uga sii digayeen inay Maalmaha soo socda da’ayaan Roobab waaweyni.

Roobabkan oo da’ay Toddobaadkii hore ayaa sababay Geerida Laba Ruux, sida laga soo xigtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta ee IOM.

Hay’addu waxay sheegtay Wiil 7 sanadood jir ahaa ayaa waxa qaaday Biyo marayey goob biyo-mareen ah, halka Gidaarna ku soo dumay Haweenay da’deeda lagu sheegay 50 jir, taasi oo u Geeriyootay dhaawac soo gaadhay darteed.

Waxa kale oo Roobabkaasi waxyeeleen in ka badan 120 Musqulood oo Dadka Qoxootiga ahi iska daba sugi jireen iyo Dugsiyo waxbarasho oo halkaa ku yaallay.

George McLeod oo ah Afhayeen u hadlay Hay’adda IOM ayaa sheegay inay ka baqayaan in Roobabkan waaweyni sababaan dhul go’, kaasi oo haddii uu dhaco khatar weyn ku keeni karta Qoxootiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka