Kismaayo: 26 Qof Oo 10 Ajaanib Yihiin Oo Geeriyooday & 56 Dhaawac Ah + Sawirro

Kismaayo (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe) ayaa Shir-jaa’id oo uu goor dhawayd ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa faahfaahiyey Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Al-shabaab ku qaadday Gelinkii dambe ee Shalay Huteelka Cascaseey.

Madaxweyne Axmed-madoobe wuxuu sheegay in Weerarku uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaanu mid mid u sheegay Jinsiyadaha Dadka halkaa ku dhintay.

Mudane Axmed-Madoobe wuxuu sheegay in Dadka Weerarkaa ku Geeriyooday ay tiradoodu dhan tahay 26 Qof, 56 kalena dhaawacmeen, Dadka Geeriyooday 10 ka mid ahi ayuu Madaxweynuhu sheegay inay ahaayeen Ajaanib, sida 3 Qof oo Kenyaan ah,  Canadian  1 Qof, British 1 Qof, American 2 Qof. Tanzanian 3 Qof.

Ka Sakow Tirada Dadka Geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay, Madaxweynuhu wuxuu cambaareeyay weerarkaasi oo uu ku tilmaamay mid bahalnimo ah, waxaanu Tacsi u diray Ehelada Dadkii ay ka baxeen Dadka Geeriyooday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka