Somaliya: Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Baaqay In loo Gurmado Maamulka Jubbaland

Muqdisho (HCTV) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Md. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Weerarka Al-shabaab ku qaadday Huteelka Cascaseey ee Magaalada Kismaayo, kaasi oo ay ku dishay 26 Qof oo 10 ka mid ahi ahaayeen Ajaanib iyo 54 Dhaawacmay.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu ka xun yahay Weerarkaasi, wuxuuna Tacsi u diray Ehelada ay ka baxeen Dadka Weerarkaasi oo Qaraxyo iyo Weerar toos ahaa ku Geeriyooday, waxaanu Allaah Caafimaad uga baryey inta dhaawacantay.

Madaxweynuhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku wax-yeelleeyaan amniga Jubbaland, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, kaasi oo intaa ku daraya in “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka