Safiirkii Ingiriiska Oo Shaaciyey Sababtii Trump Uga Baxay Heshiiskii Nuclear-ka Iran

London, (HCTV) – Safiirkii Britain u fadhiyey dalka Maraykanka Sir Kim Darroch ayaa ka hadlay sababtii Donald Trump uu uga baxay heshiiskii dhinaca Nuclear-ka ee Iran lala galay kaas oo ku tilmaamay ka bixida heshiiskaasi “talaabo waxyeelo ku ah diblomaasiyada”.

Waxaanu sheegay in  Trump uu heshiiskaasi uga baxay nacayb iyo baabiin doonayo inuu ku sameeyo talaabooyinkii maamulkii Obama uu ka tagay oo heshiiskaasi Nuclearka ee Iran lala galayna uu ka mid yahay.

Kalmadahan Sir Kim Darroch oo ah kuwii u dambeeyey ee uu u dusiyey warbaahinta The Mail maanta oo axad ah.

Ayaa May 2018 waxa lagu qoray kadib markii uu booqasho ku tagay Maraykanka Boris Johnson, kadibna xoghayaha arrimaha dibadda , kaas oo sameeyey isku daygii ugu dambeeyay ee lagu sii haynayo Maraykanka heshiiskaasi.

Sir Kim ayaa u sheegay Mr Johnson: “Natiijada waxay muujineysaa khilaafka Aqalka Cad: waxaad heshay fursad aad u saraysa, Mudada gaaban ee Madaxweynaha, maamulku wuxuu sameeyey ficil waxyeelo ku ah diblomaasiyada, oo ah sababta shakhsiyan iyo fikir ahaanba loo waxyeelaynayo Heshiiskii Madaxweynihii hore ee Maraykanka Obama.

Si kastaba ha ahaatee heshiiskii Iran lala galay ayay daba socdaan dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalku in si dhib yar uu barnaamijkaasi dhinaca nuclearka loo jaro oo cunaqabatayn loogu bedelo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.