Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Dhuusa-Mareeb

Dhuusa-mareeb, (HCTV) – Wararka laga helayo degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah kadib markii qof isku soo xidhay walxaha qarxa uu isku qarxiyay goob maqaaxi ah.

Waxaanay wararku intaa ku darayaan in qaraxaasi uu ku dhintay qofkii Ismiidaamiyaha ahaa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Shan qof oo kale, walow ay dhici karto in khasaaraha uu sababay qaraxu ay intaa ka badan karo.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in qofka qaraxan geystay  uu muddo fadhiyay  makhaayad yar oo ku dhow Xarunta INJI oo uu ka howlgalo Madaxa Xukuumadda  Sheekh Maxamed Shaakir.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Dhuusa-mareeb ku sugnaa wafdi uu  hoggaaminayay Raysal Wasaaraha Somalia  Xasan Cali Kheyre, waxaana maalintii  shalay gaadhay magaaladaasi wafdi ka socday dowladda Qatar.

Bishii hore ayeey aheyd markii degmada Guri-ceel lagu qabtay qof doonayay in uu isku qarxiyo goob ay ka soctay munaasabad ay ku sugnaayeen madaxda ugu sareysa maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.