Daadad Iyo Dhul Go’ 50 Qof Ku Dilay Dalka Nepal

Nepal (HCTV) – Daadad iyo Dhul Go’ ay sababeen Roobab waaweyn ayaa illaa 50 Qof ku dilay Dalka Nepal Maalmihii la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiinta Dalkaasi.

Dhimashada ugu badan ayaa ka dhacday Xuduudka Mara Buuralayda Himilaya ee u dhexeeya Nepal iyo Hindia, sida ay ku warrantay Al-jazeera oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Toddobaadkii tagay, Roobab waaweyn ayaa ka da’ay 30 degmo oo Degmooyinka Dalka Nepal, kuwaasi oo Caasimadda Kathmandu ka mid tahay.

Kumanaan Ciidammada Amniga ayaa loo daad-gureeyay deegaannada ay Daadadka iyo Dhul gu’o waxyeeleeyeen.

Axadda Maanta, Hay’adda Gurmadka Deg-degga ah ee Nepal ayaa sheegay in 50-ka Qof ee dhintay ka sakow, la la’yahay illaa 30 Qof oo kale, waxaana loo malaynayaa inay Webiyadu liqeen ama dhulku la’ go’ay.

28 Qof ayaa laga dawaynayaa dhaawacyo soo gaadhay, halka 1,100 khatar ku galeen meelaha Daadadku ku soo rogmadeen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka