Wasaaradda Beeraha Oo Qalab Gaadhsiinaysa Beeraley Roobab Waxyeeleeyeen

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa sheegay inay ka jawaabayaan dhibaato Roobabkii u dambeeyay ee dalka ka da’ay soo gaadhsiiyeen Beeralayda Deegaanka Xallin ee Gobolka Xaysimo ee Somaliland.

Wasiir Seed oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Roobab wanaagsani ay Dalka ka da’een muddooyinkii u dambeeyay, balse uu Roobabkaasi khasaare soo gaadhsiiyeen Beeralayda deegaanka Xallin, kana qaadeen Mishiinnadii iyo Tuumbooyinkii ay beeraha ku waraabsanayeen.

Wasiir Seed oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa ugu badnaa, Cabashooyin badana nooga yimaaddeen degmada Xallin ee Gobolka Xaysimo, halkaa waxa Warku nagu soo gaadhay inuu Mishiinnadii ka qaaday Roobku, Tuumbooyinkii iyo Agabkii ay Beeralaydu Wax soo-saarka u adeegsanayeen.”

Wasiirku Beeruhu wuxuu sheegay “Annaga oo Wasaarad Beero ahaan mar walba la dareen ah, ayna garab taaganahay Shacabkeeda, waxaanu awood badan saarnay inaanu deg-deg uga jawaabno dhibaatooyinka Xallin uu Roobku gaadhsiiyey, Guddoomiyaha xallina waanu ka wada-hadalnay dhibaatooyinka uu Roobku gaadhsiiyey beeralayda Xallin, isaguna War-bixin fiican ayuu na siiyey, sidaasi darteed si dhakhso ayaanu Beeralayda Xallin ugu geynaynaa Mishiinnadii iyo Tuumbooyinka ..” ayuu yidhi.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka