Updates: Qaraxa Dhaawacay Hooyo, 3 Ubad Ah Oo Ay Dhashay Iyo Ruux Kale

Dhuusa-mareeb (HCTV) – Inta la ogyahay Shan Qof ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Gal-guduud ee Dalka Soomaaliya.

Sida la sheegay Qaraxa ayaa ka dhacay Makhaayad ku taalla Badhtamaha Magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana ku dhaawacmay Gabadha Makhaayadda lahayd, Saddex Carruur ah oo ay dhashay iyo Ruux kale.

Qaraxan ayaa noqonaya kii koowaad ee magaalada ka dhaca Toddobaadyo, ka dib markii amaanka magaalada lagu wareejiyay ciidamada dawladda.

Magaalada waxa Toddobaadkii u dambeeyay socdaal ku tagay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre halkaas oo uu ka waday shirrar la doonayey in xal loogu helo kala qayb-sanaan ka dhex jirtay maamulka Gal-mudug.

Laakiin, Kooxda Al-shabaab oo War soo saartay ayaa sheegtay in waxa Dhuusa-mareeb ka dhacay yihiin laba Qarax, midkoodna lala beegsaday ka soo horjeedka meesha loo yaqaano Ingi oo ay sheegeen in lagu diwaangeliyey Ciidammada Ahlu sunna Wal-jamaaca.

War kooban oo ka soo baxay Al-shabaab sida ay baahiyeen Warbaahinta taageertaa, waxa Al-shabaab ku sheegtay in sababta ay Ciidammada Ahlu-sunna Wal-jamaaca u beegsanayaan tahay inay xidhiidh la leeyihiin Itoobiya, waxayna sheegeen in khasaare jiro, inkasta oo aanay xusin inta khasaarahaasi leeg yahay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka