Maraykanka Oo Bilaabaya Xadhigga Dad Laga Mastaafurinayo Dalkaasi

USA (HCTV) – Laanta Socdaalka ee Dalka Maraykanka ayaa Axadda Maanta bilaabaya Xadhigga Muhaajiriinta Sharci-darrada ku soo jooga Dalka Maraykanka ee la doonayo in la Mastaafuriyo.

Xadhigga Dadka Muhaajiriinta ah ee la doonayo in laga Mastaafurinayo Maraykanka ayaa Axadda Maanta guud ahaan Maraykanka ka bilaabmi doonta, sida uu sheegay Madaxweynaha dalkaasi Mr. Donalnd Trump.

Madaxweyne Trump ayaa Xaqiijiyey in Qorshaha Xadhigga iyo Mastaafurinta lagula kacayo Muhaajiriinta loogu talo-galay in loogu quus-gooyo Dadka ku sugan Badhtamaha Ameerika ee doonaya inay u socdaalaan Maraykanka.

Hawl-galkan Axadda Maanta bilaabmaya ayaa lagu beegsanayaa Boqollaal Qoysas ah oo ku nool 10 Caasimadood oo Gobollada Maraykanka ka mid ah, kuwaasi oo Maxkamad dhanka socdaalka qaabilsani amartay inay dalka ka baxaan, balse illaa hadda halkaa jooga.

Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence oo la hadlaya Qof Magan-galyo doon ah, Magaalada Donna oo ka mid ah Gobolka Texas, July 12, 2019. Reuters

Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku gooddiyey inuu Dalka ka Mastaafurin doono Muhaajiriinta Sharci-darrada ku jooga Dalkaasi, waxaanu farriintiisii u dambaysay ee uu Arrimaha Mujaahiriinta kaga hadlay ku sheegay in Dadka Sharci-darrada ku galay Maraykanka ay si Sharci ah uga saari doonaan,

“Dadku waxay Dalkan u imanayaan si Qayrul Sharci ah, waxaanu uga saari doonaa si Sharci ah..” ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay qoraal uu bishii hore ku baahiyey Twitter-kiisa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka