Ciyaaryahannadii Ugu Horreeyay Ee Haween Sucuudiyaan Ah Oo Maraykanka Tartan Kaga Qayb-galaya

USA (HCTV) – Markii ugu horraysay, Ciyaaryahanno Haween Sucuudiyaan ah ayaa bisha dambe Magaalada Las Vegas Dalka Maraykanka kaga qayb-galaya Tartanka Ciyaarta loo yaqaano (Bowling), taasi oo ah Ciyaar Kubadda Gacanta laga tuuro.

Tiimkan oo ka kooban Lix hablood oo Sucuudiyaan ah ayaa illaa sannadkii u dambeeyay iyagu si wada jir ah u Wada ciyaarayey, laakiin 22-ka bisha dambe ee August, 2019 ayay si wada jir ah u galayaan Tartan ay isku jiraan.

Ciyaartan ayaa loo Ciyaarayaa laba laba, Qof Qof, Saddex Saddex iyo Shan Shan Qof.

Tartanka ka dhacaya Las Vegas ayaa soconaya 22 illaa 30-ka bisha August, 2019.

Amani Al Ghamdi, Nahla Adas, Mariam Al Dosari, Ghada Nimir, Mashael Al Abdulwahid, Hadeel Termein iyo Haweenayda Tababbaraha u ah oo u dhalatay Masar ayaa u dhoofi doona Maraykanka si ay uga qayb-galaan Tartanka ka dhacaya Las Vegas, ka dib marka uu u dhamaado tababar uga socda Magaalada Riyadh.

Madaxweynaha Ciyaarta Tartankeeda lagu qabanayo Las Vegas ee loo yaqaano (Bowling), Sheekh Talaal Mohammed Al Sabah ayaa bogaadiyey in markii ugu horraysay la helay Haween Sucuudiyaan ah oo Ciyaartaa Ciyaaraya.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka