Fadhi Lid Ku Ahaa Maayarka Gabiley Oo Baaqday

Gabiley (HCTV) – Waxa Maanta baaqday fadhi ay u ballansanaayeen Golaha deegaanka ee Degmada Gabiley.

Fadhiga ayaa la sheegay in la doonayey in Xilka lagaga qaado Maayarka Degmada Gabiley, Maxamed Cumar Cabdi oo Maalmihii u dambeeyay uu khilaaf ka dhexeeyay Xildhibaannada Golaha deegaanka Gabiley.

Laakiin, Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed oo goor dhawayd la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inuu baaqday fadhigii la ballansanaa in Xildhibaannadu ay Xilka kaga qaadaan Maayarka Degmadaasi.

Warkan oo Faahfaahsan la soco goor dhow.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka