Kulan Markab Dushii Ku Dhex Maraya Dhinacyada Yemen Ku Dagaalamaya

Yemen (HCTV) – Wada-xaajoodayaal ka socda Dawladda Beesha Caalamku aqoonsan tahay ee Yemen iyo Jabhadda Xuutiyiinta ayaa kulan ku yeelanaya Markab taagan Badda Cas.

Kulanka ka dhacaya Markabka Dushiisa ayaa la doonayaa in dib loogu soo nooleeyo Wada-hadallo hore ay u yeesheen labada dhinac, kuwaasi oo lagu doonayo in Ciidammada lagaga saaro Magaalada Dekedda leh ee Dekedda Xudayda.

“Kulanka Wada-jirka ah ayaa rasmi ahaan u bilaabmaya habeenka Axadda (Xalay), waxaanu sidii soconayaa Ilaa Isniinta (Maanta)..” ayuu sheegay Sarkaal ka mid ah Qaramada Midoobay oo la hadlay Wargeyska The National oo HCTV soo xigtay.

Labada dhinac oo ay wehelinayaan Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa ka hadlaya sidii ay labadooda Ciidan uga qaadi lahaayeen Xudayda, ka hor heshiis la doonayo inay ku gaadhaan Wada-hadallo Qaramada Midoobay fududaysay oo dhacaya bisha December ee sannadkan.

Wufuudda Shirkaa uga qayb-galaya Dawladda Yemen ayaa waxa hoggaaminaya Maj Gen Saghir Aziz, kaasi oo Shalayba gaadhay Markabka Antarctic Dream.

Waa markii koowaad ee dhinacyada Yemen ku dagaalamayaa kulmaan si ay uga wada-hadlaan in Ciidammada laga qaado Magaalada Xudayda muddo ku dhow laba bilood.

Kulanka ayaa ka dhacaya biyaha Caalamiga ah, sababtoo ah Xuutiyiinta ayaa xanibay kadinada Magaalada Dekedda leh ee Xudayda.

Markabka ayaa 30KM gudaha u sii galay Badda Cas, sida uu baahiyey Wargeyska The National oo HCTV soo xiganayo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka