Raysal-wasaaraha Kanada Oo ka Hadlay Geerida Hodan Naaleeye

Kanada (HCTV) – Raysal-wasaaraha Dalka Kanada ayaa ka hadlay Geerida Suxufiyaddii caanka ahayd ee Hodan Naaleeye iyo Saygeedii Jaamac Fariid, kuwaasi oo ka mid noqday 26 Qof oo lagu dilay Qaraxyo lala beegsaday Huteel ay ku sugnaayeen oo ku yaalla Magaalada Kismaayo, Toddobaadkan.

Raysal-wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa Tacsi u diray Ehelkeeda, isagoo sheegay in Hodan Naaleeye ay ka warrami jirtay soo bandhigidda horumarka iyo wanaagga ka socda dalkeeda, taasina keentay in Dhimashadeeda ay ka wada naxaan Soomaalida iyo Dadka Kanada.

“Anigoo ku hadlaya magaca Shacabka Kanada oo dhan, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, asxaabtii Hodan Nalayeh, oo ah wariye Soomaali-Canadian ah iyo Ninkeedii Fariid oo lagu dilay weerarkii argaggixisada ee Kismaayo..” ayuu qoraal ku sheegay Raysal-wasaaraha Kanada sida uu baahiyey Globalnews.ca oo HCTV soo xigtay, waxaanu intaa ku daray oo uu Tacsi u diray dadka kale ee Weerarkaa ku dhintay, isagoo sheegay inay la jiraan Dadka dhaawacmay “Kanada waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkan naxdinta leh..”

Justin Trudeau ayaa sheegay inay sii wadayaan la shaqaynta Dawladda Soomaaliya, waxaanu ku taliyey in laga shaqeeyo Duni nabdoon.

Raysal-wasaaruhu waxa kale oo uu ka hadlay shaqadii Hodan Naaleeye “Hodan Naaleeye waxay ka shaqeyn jirtay Tebinta wararka wanaagsan ee ka taabanaya horumarrada dalka, dhiiri-gelinta dhallinyarada Soomaalida.” ayuu yidhi, Raysal-wasaaraha Kanada, waxaanu intaa ku daray “Geerida ku timid waxaa si weyn uga naxay dadweynaha Canada iyo dhammaan bulshada Soomaalida ee ku nool dunida..”

Hodan Naaleeye oo Ifka kaga tagtay laba Carruur ah oo ay dhashay, ayaa haysatay dhalashada Dalka Kanada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka