Maayarka Gabiley Iyo Xildhibaanno Doonaya Inay Ridaan Oo La Dhexdhexaadinayo

Gabiley (HCTV) – Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed ayaa sheegay in Wada-hadal lagu dhamaynayo khilaaf soo kala dhex galay Maayarka Gabiley iyo Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka.

Badhasaabka oo Maanta ka hadlay sababta loo baajiyey Fadhi la doonayey in xilka lagaga qaado Maayarka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi ayaa sheegay inuu isagu labada dhinacba dhexdhexaadinayo.

Badhasaabka oo arrimahaa faahfaahinayaana wuxuu sheegay inuu arrintan galay markii Wasaaradda Arrimaha guduhu ay isaga dib ugu soo celisay Cabasho ay u gudbiyeen Xildhibaanno ka mid ah Golaha deegaanka Gabiley oo ka cabanaya Maayarka, waxaanu yidhi “Dhawaan qaar ka mid ah Golaha deegaanka ee Degmada Gabiley ayaa qoraal u gudbiyey Wasaaradda Arrimaha gudaha, qoraalkaasi oo ahaa cabasho ay kaga cabanayeen Maayarka, Maayar ku-xigeenka iyo Guddiga fulinta. Cabashadaasi waxay ahayd in Golaha ay ka tirsan yihiin uu ka soo bilaabmo oo waxay ka cabanayaan ay Golaha keenaan, markay taa ku qanci waayaan inay u keenaan badhasaabka, laakiin Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ay gudbiyeen ayaa dib u soo celisay oo ku tidhi Gobolkii taga oo halkaa Xalka ha lagu soo gaadho, waana sida Sharcigu yahay.”

Badhasaabku wuxuu sheegay oo kale “Qoladii cabaneysey waanu is aragnay waxaanuna isku af-garanay inaanu halkan ku dhamayno, waxaanan ballan-qaaday inaan anigu dhexdhexaadinta iyo isku keenkooda sameeyo oo aan isku soo dhaweeyo..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Qolada cabanaysey way ila qaateen inaanu khilaafkaa hoos u dhamayno, qolada kalena waxay ila qaateen in la sameeyo wixii lagu wanaajinayo Golaha.”

Badhasaabku ma caddaynin waxay isku hayaan Maayarka iyo Xildhibaannada ka soo hor-jeedaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka