Pakistan Oo Hawadeeda Dib U Furtay Dhawr Bilood Ka Dib

Islamabad, (HCTV) – Pakistan ayaa dib u furtay hawadeeda dib markii ay xayiraad ay saartay in dhamaan diyaaradaha iyo duulimaadyada shacabku aanay mari doonin hawadeeda.

Dib u furidan hawada dalka Pakistan ayaa ah marin muhiima oo xidhnaa shantii bilood oo u dambeeyey kadib markii ay isku dhaceen labada dal ee jaarka ah ee Hindiya iyo Pakistan.

“Si dhakhso ah ayaa loo furay hawadii dalka Pakistan waxaana isticmaali kara dhamaan duulimaadyada shacabka,” sidaasi waxa tidhi waaxda maamulka duulimaadyada hawada ee dalka Pakistan.

Talaabada Pakistan ay ku xidhay hawada dalkeeda ayaa timid ka dib marki dalka India uu weerar dhinaca cirka ah uu ka geyska dhulka Pakistan bishii February 26-keedii, kaas oo daba socday qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday dhinaca ay Hindiya maamusho ee gobolka Kashmir horaantii bishaasi.

Waxaanay xiligaasi India ay ku eedaysay weerarkaasi isqarxinta ahaa koox mayal adag oo ku sugan dalka Pakistan February 14.

Dalka Pakistan ayaa sidoo kale ka waxaanu dhulka soo dhigay laba diyaaradood oo nooca dagaalka ah ee dalka India ay leeyihiin.

Wixii intaa ka dambeeyey waxa cirka isku shareeray xiilada colaadeed ee u dhaxaysa labada dal ee India iyo Pakistan, kuwaas oo ku sigtay inuu dhexmaro dagaal buuxda, walow ay markii dambe ka baaqsadeen dagaalkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.