Gobolka Amxaarada Ethiopia Oo Madaxweyne Cusub Yeeshay

Bahar-Dar, (HCTV) – Madaxweynaha Ismaamulka gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia ayaa loo soo  magacaabay inuu noqdo Temesgen Tiruneh oo ah nin aad ugu dhow raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed, kaas ooh ore ugala talin jiray dhinaca amniga ee dalkaasi.

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga Amxaarada ee dalak Ethiopia oo muddo saddex maalmood shir uga socda magaalada Bahar-Dar, waxa ay u xusheen gobolkaasi Amhaaraxa inuu hoggaamiyo Temesgen Tiruneh.

Magacaabistan, ayaa ka dambaysay kaddib markii dhawaan la dilay madaxweynihii gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen.
Tobaneeyo ruux ayaa ku geeriyooday dagaallo ka dhashay isku day afgambi dhicisoobay oo ka dhacay gobolka Amxaarada, taasoo sababtay in lagu dilo Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo Taliyihii Guud ee Ciidamada Itoobiya oo isna lagu dilay Addis Ababa, iyadoo dilkiisa lala xidhiidhiyay inuu qeyb ka ahaa isku daygii afgambi ee ka dhacay Gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia.
Gobolka Amxaarada oo dhaca Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya ayaa ah qowmiyada labaad ee ugu dadka badan Itoobiya, waxaana loo arkaa gobol miisaan siyaasadeed oo weyn ku leh dalka Itoobiya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.