Haweenka Aqalka Congress-ka Oo Ka Jawaabay Weerarka Afka Ee Trump

Washington, (HCTV) – Afarta haweenka ah ee ku jira aqalka Congress-ka dalka Maraykanka ayaa sheegay in aan laga aamusi karin weerar dhinaca afka ah ee uu ku qaaday Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kadib markii uu bartiisa twitter-ka uu soo dhigay hadal cunsuriyad iyo mid kala socoon ah.

Afartan Haweenka ah ee ka midka ah Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanaka oo kala ah Alexandria Ocasio-Cortez, Ilhan Omar, Ayana Pressley and Rashida Tlaib ayaa u sheegay war-fidiyeenada in weerarka Madaxweynaha Trump ee xiligani aanu wax macno ah iyo wax soo jiidasho ah lahayn xiligan oo uu ka tujumayo fashilka siyaasadiisa.

Dagaalkan dhinaca AFka ee warbaahinta ku dhexmaraya Madaxweynaha dalka Maraykanka iyo Haweenka ku jira Aqalka Congreska dalka Maraykanka ayaa ku soo beegmaya xili Maamulka Madaxweyne Trump uu dagaal xoogle uu ku qaaday dadka soo galootiga ah ee ku sugan dalka Maraykanka oo uu qorshaynayo inuu ka soo mastaafuriyo dalka Maraykanka.

Ocassio Cartez oo ah haweenay madaw ah oo ka mid ah aqalka Congress-ka dalka Maraykanka oo warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay tidhi “Waxaan doonayaan in aan caruurteena ku kala sugan wadanka oo dhan inaan u sheego in aanay waxba ka soo qaadin hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha oo aynu ku abtirsano wadankan meelkasto oo aad ka joogtaan,” ayay tidhi Ocasio-Cortez.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.