Dawladda Somalia Oo Sheegay Inay Bixin Doonto Abaalmarinta Hodan Naaleeye Award

Muqdisho, (HCTV) – Dawladda Federalka ee Somalia ayaa sheegtay in abaalmarin ay ku xurmaynayaan noloshii halabuurnimo ee Saxafiyadii Hodan Naaleeye ee lagu dilay dhawaan magaalada Kismaayo ay bixin doonaan sanad kasta.

Wasaarada Arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia waxa ay intaasi ku dartay in sanad kasta qofka ay u arkaan ama u aqoonsadaan inuu wax muuqda ka qabtay oo ka tirsan qurbajooga soomaaliyeed ay siin doonaan Abaalmarinta Hodan Naaleeye.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada ee Somalia ayaa waxa lagu yidhi sidan:-

“Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta #HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qofka aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbajoogga Soomaaliyeed.” Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa shaacisay War-saxaafadeedkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.