Uganda: Heesaa Isku Beddelay Siyaasi Oo Museveni Kula Tartamaya doorashada 2021-ka

Uganda (HCTV) – Heesaaga isku beddelay Siyaasiga ah ee Dalka Uganda caanka ka ah Bobi Wine ayaa sheegay inuu Doorashada Dalkaa ka dhacaysa sannadka 2021-ka kula tartamayo Madaxweynaha Muddada dheer Dalkaa xukumayey ee Yoweri Museveni.

“Aniga oo ku hadlaya Magaca Dadweynaha, waxaan la tartami doonaa Madaxweyne Museveni.” ayuu yidhi Mr. Wine.

Bob Wine oo ah hoggaamiye Xisbi Mucaarad ah, ayaa Isniintii shalay u warramay Wakaaladda Wararka ee AP ayaa caddeeyay inuu doorashada la filayo inay Uganda ka dhacdo 2021-ka kula tartamayo Madaxweyne Yoweri Museveni oo muddo dheer dalkaa xukumayey, balse mar kale doonaya inuu Xisbigiisa u ordo doorashada dambe.

Laakiin, Mr. Wine oo Magaciisa runta ahi yahay Kyagulanyi Ssentamu ayaa sheegay inuu ka wer-wersan yahay Amnigiisa, ka dib markii uu ka bedbaaday qorshe uu aaminsan yahay in la doonayey in lagu khaarajiyo, bishii August, 2018, xilligaasi oo toogasho lagu dilay dirawalkiisii.

Xilliga Dirawalkiisa la toogtay ayaa Dad mudaharaad samaynayey waxay dhagaxaan ku tuureen Gaadiid Madaxweyne Yoweri Museveni galbinayey.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka