Heesaa Caan Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyey Hargeysa

Hargeysa, (HCTV) – Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey Heesaaga caanka ah ee Maxamed Siciid BK, kaas oo si balaadhan looga yaqaano gayiga dhulka Soomaalidu tagto iyo inta Afka Soomaaliga ku hadashaba ay wayn u yaqaanaan heesihiisa.

Fanaanka Maxamed Siciid BK ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku sugnaa dalka Kenya si uu bulshooyinka Soomaalida gaar ahaana jaaliyada Somaliland ee ku sugan dalkaasi uu ula qaato bandhig faneedyo uu ku soo bandhigo fankiisa caan baxay.

Boqolaal iyo boqolaal shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa oo dhalinyaro u badnaa ayaa ka qaybqaatay soo dhaweynta fanaanka caanka ah ee Maxamed Siciid BK, kuwaas oo kaga hortagay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, iyaga oo lulayey calanka jamhuuriyada Somaliland iyo caleemo qoyan, waxaanay Fanaanka usoo galbiyeen dhinaca gudaha magaalada Hargeysa.

Fanaan Maxamed BK oo ah fanaan ay dhalinyaradu aad u jecel yihiin heesihiisa, ayaa markii uu ka soo dagay madaarka magaalada Hargeysa waxa uu uga mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen, waxaanu yidhi “Dhamaantiin aad baad u mahadsan tihiin sida diiran ee aad ii soo dhaweyseen, Somaliland ha noolaato, calankeenu ha jiroo ha joogo, dhamaantiin qalbigaan idinka salaamayaa,” ayuu yidhi Fanaanka Caanka ah ee reer Somaliland Maxamed Siciid BK.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.