Dayax-madoobaad Xalay Laga Arkay Meelo Dunida Ka Mid Ah

Hargeysa (HCTV) – Saqdii dhexe ee Xalay waxa Qaaradaha Adduunka qaarkood laga arkay Dayax-madoobaad.

Dayax-madoobaadkan ayaa meelaha laga arkay waxa ka mid ah bariga Qaaradda Afrika oo ay ku jiraan deegaannada Soomaalidu degto.

Dayax-madoobaadka oo bilaabmay Saacadda bariga Afrika markii ay ahayd 11:30-kii ayaa socday muddo dhowr Saacadood, isagoo Dayuxu si tartiib-tartiib ah u soo cadaanayey Saacadba Saacadda ka dambaysa, illaa markii dambe uu wada Cadaaday.

Dayax-madoobaadka ayaa ka mid ah Calaamadaha waaweyn ee Allaah SW, sidaasi awgeed ayaa Dadweynaha ku nool Dalalka Muslimka ah ee Dayax-madoobaadka laga arkaa waxay oogaan Salaad, taasi oo la wado illaa inta uu Dayuxu ka Caddaanayo.

Sannadkan gudihiisa, waa markii labaad ee Dayuxu Madoobaado.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka