USA: Taliyaha Millateriga Myanmar Oo Loo Cunaqabateeyay Xasuuqii Rohingya Darteed

Myanmar (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa Cunaqabayn ku soo rogtay Taliyaha Ciidammada Myanmar Min Aung Hlain iyo Saraakiil kale oo Ciidammada ka tirsan.

Taliyaha Ciidammada Millateriga ah ee Myanmar iyo Saraakiisha kale ee Xukuma Ciidammada Myanmar ayaa Maraykanku ku eedeeyay inay masuul ka ahaayeen Dilalka aan Sharciga ahayn ee lagula kacay Dadka ka soo jeedda Qoomiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah.

Cunaqabataynta lagu soo rogay Saraakiisha Millateriga Myanmar ayaa waxa ka mid ah in aanay tagi karin Dalka Maraykanka.

Tallaabadan ayaa sidoo kale saamaynaysa ku-xigeenka Taliyaha Ciidammada Millateriga Myanmar oo Magaciisu yahay Soe Win iyo laba Sarkaal oo kale iyo Qoysaskooda.

Tan ayaa ah Tallaabadii ugu xoogganayd ee Maraykanku kaga jawaabo Xasuuqii loo geystay Muslimiinta Tirada yar ee Rohingya ee dalka Myanmar ama Burma

“Waxaanu ka wer-wersan nahay sida Dawladda Burma aanay weli wax Tallaabo uga qaadin kuwa Masuulka ka ah Xad-gudubyada Xuquuqal iisaanka iyo Gabood-fallada..” ayuu sheegay Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka Mike Pompeo oo War Qoraal ah soo saaray.

Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanku waxa kale oo uu sheegay in inay ogyihiin in Millateriga Burma uu sii wado ku tumashada xuquuqda aadamaha.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka