Lamaane Libaax U Dilay Inay Isku Sawiraan

Hargeysa (HCTV) – Lamaane ayaa la Sawiray iyagoo isku ag-dhunkanaya Libaax ay dileen xilli ay ku jireen Socod Dalxiis ah, arrintaasina waxay sababtay Cadho.

Darren iyo Carolyn Carter oo ka yimid Magaalada Edmonton ee Kanada ayaa isku sawiray Libaaxa, Daqiiqado ka dib markii toogasho ku dileen.

Lamaanahan ayaa muujiyey hawl adag oo ka qabsatay inay helaan oo ay toogasho ku dilaan Libaaxa ay bakhtigiisa isku ag-sawireen, waxayna Sawirka ay is dhukanayaan oo ay Internet-ka ku baahiyeen ku hoos qoreen “Hawsha Adag ee deegaanka Cadceedda kulul ee  Kalahari..”

Sawir kale oo ay baahiyeen ayaa muujinaya Libaax kale oo weyn oo ay dileen “Ma jiraan wax la mid ah Boqorka Kaynta oo aad ugaadhsataa” ayay sheegeen Lamaanuhu.

Laakiin, Sawirradaa aad baa loo Cambaareeyay, ka dib markii la soo geliyey ama lagu baahiyey Website ay leedahay Shirkad ka shaqaysa Dalxiiska.

Eduardo Goncalves oo ah aasaasaha ololaha ka dhanka ah ugaadhsiga ayaa Lamaanaha Libaaxa u dilay si ay Sawir ugu galaan wuxuu u soo jeediyey inay inay isku xishoodaan “Lammaanahani waa in ay si iskood ah uga xishoodaan naftooda.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka