90 Jir Dacwaysay Qoyskeeda Oo Geerideeda Faafiyay Iyadoo Nool

Kenya (HCTV) – Haweenay da’deeda lagu sheegay 91 Jir, ayaa ehelkeeda u dacwaysay inay shaaciyeen Geerideeda, iyada oo nool oo aan dhimanin.

Janet Nakawungu oo deggan Tuulada Joggo-Misindye ayaa ku eedaysay Margret Nakanyike iyo Bashir Bwete inay ka xadeen dhulkeedii, ka dibna la xidhiidheen Guddoomiyaha guud ee Degmada si Magacooda loogu diwaangeliyo.

“Waxay ku dhawaaqeen inaan Anigu Geeriyooday, waxayna iga wareejiyeen (dhulkaygii) Anigoon ogayn..” ayay tidhi, Nakawungu

Nakawungu oo cadhaysan ayaa sheegtay in Nakanyike oo ah Gabadh uu dhalay Walaalkeed oo ay Eddo u tahay ay Guri ku wada noolaayeen isla-markaana aamintay, laakiin ay khiyaamo kula kacday.

“Sidee baa Dadkii aan soo koriyey iiga hor iman karaan, waxay ku soo koreen daryeelkayga sannadahan oo dhan..”  ayay ku calaacashay.

Nakanyike ayaa waxa Eddo u ah Nakawungu, waxaana dhalay Walaalkeed oo Geeriyooday, iyada ayaana soo korisay, sida ay sheegtay.

Nakawungu waxay xaqiijisay inay xaqiiqsatay inay dhulkeeda waayi doonto oo Magaca ugu diwaangashan laga beddeli doono mar hadday xanuunsato, sidaa darteed waxay doonaysey inay iibiso qayb ka mid ah dhulkeeda, si ay u hesho Lacag ay isku daawayso.

Sheekadan ayaa waxay ka dhacday Degmada Mukono oo ka mid ah Degmooyinka Dalka Uganda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka