Faysal Oo Ka Hadlay 30 Guurada Xasuuq Dad Reer Somaliland Ahaa Loogu Geystay Muqdisho

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay 30 Guurada ka soo wareegtay Goortii uu Xeebta Jaziira ee duleedka Muqdisho ka dhacay xasuuq loo geystay Dad Hayb ahaan ka soo jeeday Somaliland, xilligii uu Soomaaliya Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in 30 sanadood laga joogo Dad ka badan 40 Qof oo reer Somaliland oo inta Guryahoodii Muqdisho ay kala baxeen Ciidammadii Amniga ee Soomaaliya ay si wadar ah ugu laayeen Xeebta Jaziira ee duleedka Muqdisho, 1989-kii.

“Maanta waa 17-kii July, waa 30 Guuradii ka soo wareegtay Maalintii Dadka reer Somaliland Isir ahaan inta Guryaha loogala baxay lagu xasuuqay Xeebta Jaziira ee reer ahaan loo dilay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xasuuqyo badan way ka dhaceen Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, laakiin ka Taariikhdiisa la hayo ee dhacay 17-kii July waakaa (Jaziira). Waxay ku beegantay iyadoo Maanta Markabkii Xoolaha ahaa uu illaa hadda Xaniban yahay.”

Guddoomiyaha UCID wuxuu isbarbar-dhigay in Dawladdii Maxamed Siyaad Barre geysatay Xasuuqa Jaziira ka dhacay, kaasi oo 30 sano guuradiisu ku soo beegmaysa xilli Xoolo Somaliland leedahay ay Soomaaliya ku xanibtay Dekedda “Waxa iswaydiin leh, yaa xasuuqaa fuliyey, waxa fuliyey Maxamed Siyaad Barre, yaa yidhi Xoolahaa halla xanibo, waxa yidhi farmaajo.” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka