Guddida Qaban-Qaabada Shirka Dib-U-Heshiiisiinta Galmudug Oo La Iclaamiyey

Gaalkacayo, (HCTV) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Guddida qaban qaabada Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug.

Xubnaha guddidan ayaa ka kooban 12 Xubnood oo labo ay haween yihiin, kuwaas oo xubnaha ka dhex muuqday ay ku jiraan xubno ku dhow Xafiiska Raysall Wasaaraha Somalia, Siyaasiyiin hore iyo mas’uuliyiin hore xilal u soo qabtay dawladda Somalia.

Dr. C/raxmaan Baadiyow oo ah La Taliyaha Arrimaha Dib u heshiisiinta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku jira guddida, waxa sidoo kale ku jira Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) iyo Maxamed Nuur Gacal oo hore Wasiiru Dowle soo noqday iyo xubno kale.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.