23 Qof Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Dhisme Warbaahineed Oo Ku Yaala Dalka Japan

Kyoto, (HCTV) – Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay tiro inaa ka badana waa al la’ayahay kadib markii uu dab ka kacay xarun studio ah oo ku taala magaalada Kyoto ee dalka Japan, sida ay ku waramayso wakaalada wararka ee Associated Press.

Sarkaal ka tirsan qaybta dab-damiska ee Kyoto oo magaciisa la yidhaa Satoshi Fujiwara ayaa sheegay in 35 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaar ka mid ah xaaladoodu ay adagtahay.

Waxaanu intaasi ku daray Masuulkan u hadlay qaybta damdamiska ee magaalada Kyoto in sidoo kale ay jiraan dad tiradoodu gaadhayso 18 qof oo dhismaha ku xaniban kuwaas oo la rumaysan yahay in shaqada ku jireen markii dabku uu halkaasi ka bilaabmay ilaa iyo hadana xaaladoodu aanay caday, sida uu Mr Fujiwara u sheegay AP.

Dabka ayaa u muuqda mid si balaadhan ugu fiday dhismaha studio-gaasi, waxaanay ciidamada bileysku ay sheegeen in ilaa iyo hada aanay garanayn waxa sida dhabta ah u dhaliyey dabkaasi oo aanay war degdeg ah ka haynin oo ay arintaasi ku hawlan yihiin.

Muuqaalo laga duubay dabka qabsaday dhismahaasi warbaahintee ee dalka Japan ayaa muujinaya qiiq isugu jira cadaan iyo Madow oo daaqadaha dhismaha ka soo baxaya.

“Hawlaha samatabixintu way socdaan, waxaananu isku dayaynaa sidii aanu uga soo saari lahayn dadka ku go’doonsan gudaha dhismaha oo ka koobnaa saddex dabaq,” sidaasi waxa tidhi waaxda dab-damiska ee magaalada Kyoto.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.