Maraykanka Oo Ka Baxay Barnaamijkii Diyaaradaha F-35 Oo Ay Iska Kaashanayeen Turkiga

Washington, (HCTV) – Dawlada Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inay meesha ka saarayso barnaamijkii diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay iska kaashanayeen dalka Turkiga, talaabadan ayaa dalka Maraykanku uu mudoba ku hanjabayey kadib markii dawlada Ankara ay bilawday in dalkeeda loo soo raro hanaanka difaaca Gantaalada ee dalka Ruushka todobaadkii u dambeeyey.

Waxaana qaybigii ugu horeeyey ee Gantaalada Difaaca Cirka ee S-400 ay soo gaadheen saldhiga milatariga Murted eek u yaala waqooyi-galbeed ee magaalada Ankara maalintii Jimcihii, waxaana heshiiskaasi Turkiga iyo Ruushku ay gantaaladaasi ku gaadheen ay dawlada Washington ay isku dayeysay inay ka hortago.

“Dawladda dalka Maraykanku waxa ay joojisay wadashaqayntii dhinaca barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay kula jirtay dalka Turkiga, waxaana bilaabashadii mashruucaasi laga saaray dalka Turkigu inuu qayb ka noqdo,” sidaasi waxa yidhi Ellen Lord, oo ah gacanyaraha xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka.

Hase yeeshee Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Turkiga ayaa talaabadaasi ku tilmaamay mid aan xaq ahayn oo saamayn ku yeelan karta xidhiidhkii labada dal ka dhexeeyey.

“Waxaanu dawlada Maraykanka ka codsanaynaa inay khaladkaasi ka soo noqoto, hadii kale waxa uu dhaawacayaa xidhiidhkii Istaraatajiyadeed ee labada dal,” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Turkiga oo arintaasi ka hadlay kadib hadalkii ka soo yeedhay Waaxda gaashaandhiga ee dalka Maraykanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.