Madaxweyne Trump Iyo Ilhan Omar Oo Mar Kale Fiintu Dhex Miranayso

Minnesota, (HCTV) – Isku soo bixii ugu horeeyey ee Madaxweynaha dalka Maraykanku Donald Trump uu ku doonayo in dib loogu doorto mar kale sanadka 2020 ayuu dib ugu cusboonaysiiyey dagaalka dhinaca midabka oo uu ku qaaday afarta balood eek u jira aqalka Kongres-ka dalka Maraykanka.

Waxaana dad taageersan Madaxweynaha dalka Maraykanka ay ku qaylinayeen “Dib iyada u celi’ “Send her back!”, waxaana afarta hablood ee dagaalka uu kula jiro Madaxweynaha dalka Maraykanku ka mid ah gabadha ku dhalatay Somalia ee Ilhan Omar oo laga soo doorto Minnesota.

Madaxweynaha dalka Maraykanku waxa uu carabka ku dhuftay xili uu taageerayaashiisa uu kula hadlayey Greenville ee North Carolina arbacadii shalay wuxuu sheegay in ay iska tagi doonaan hadii aanay jeclayn Maraykanka iiyo siyaasadihiisa ku wajahan Muhaajiriinta iyo difaacida Israel.

Hase yeeshee hadaladan iyo dagaalkan ka dhanka ah Afarta Hablood ee ku jira Aqalka Congress-ka ayaa keenay cambaarayn xoogle oo Madaxweyne Donald Trump disha loo saaray inuu u dhaqmayo hab cunfi iyo cunsuriyadi ay ku dheehan tahay.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Maraykanka Joe Biden oo ka mid ah masuuliyiinta si weyn u cambaareeyey hadalada cunsuriyada ah ee Madaxweynaha dalka Maraykanka ka soo yeedhaya ayaa tilmaamay in hadalada noocaas ahi aanay dhisaynin America Balaadhan, waxaanu hadal qoraal ah oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka uu ku sheegay in “Xubnaha Congress-ka – ee ah caruurtii muhaahiriintu, ee sida kuwo badan oo inaga mid ahi – waxa ay tusaale u yihiin waxa Maraykanka ka dhiga Mid weyn,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Maraykanka Joe Biden.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.