Tanzania Oo U Baroor Diiqaysa Ganacsade Lagu Dilay Kismaayo

Morogoro, (HCTV) – Mahad Abdullah Nuur ayaa ahaa ganacsade maskax furan oo si weyn looga yaqaanay dalka Tanzania kaas oo lagu dilay weerarkii Ismiidaaminta iyo Toogashada wada socday ee ka dhacay hotel ku yaala magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubaland.

Mahad, walaalkiisa ka yar iyo Aabihii Mzee Guled Nur, ayaa ka soo cararay dagaaladii Somalia waxaanay dageen dalka Tanzania dabayaaqadii 1980s, xiliyadaas oo Somalia ay ka socotay xaaladihii degenaansho la’aaneed ee Geeska Afrika.

Wakhti xaadirkan dhimashada Ganacsade Mahad ayaa dhibaato xoogle ku keentay qoyska uu ka soo jeeday, waxaana Ganacsadahan oo ahaa ninka ugu weyn qoyskiisa uu gacanka ku hayey Ganacsi farabadan oo ay ka mid yihiin Victoria Plaza Limited, Maisha Supermarket Limited, oo dhamaantoodba ku yaala caasimada dalka Tanzania ee Daarasalaam.

Inkastoo qoyskani ay hanti kale oo farabadan ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana mudooyinkii u dambeeyey ay shirkado soo saara kabaha ay ka sameeyeen Morogoro.

Alle ha u naxariistee Mahad ayaa ahaa Ganacsi maamulo xirfad leh, waxaana lagu dilay maalintii jimcihii weerarakii ka dhacay hotelka magaalada Kismaayo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.