IRAN Oo Qabatay Markab Shidaal Oo Ingiriisku Leeyahay

Iran (HCTV) – Ciidammada Ilaalada Kacaanka IRAN ayaa sheegay inay qabteen Markab Shidaal oo oo marayey Marinka Hormuz.

Markabkan oo Magaciisu yahay Stena Impero isla-markaana sita Calanka Boqortooyada Ingiriiska, sida ay goor dhawayd uu baahiyey Telefiishanka Al-jazeera.

Markabka ayaa waxa saarnaa 23 Qof ayaa waxa qabashadiisa loo adeegsaday Doon yar iyo Helicopter ku sugnaa Marinka Hormuz.

Shirkadda leh Markabkan laga leeyahay boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay in aanay la xidhiidhin Markabka.

Dawladda Ingiriiska ayaa Toddobaad ka hor qabatay Markab Shidaal oo IRAN leedahay, waxaana muuqata in Tallaabada IRAN qaadday ay jawaab u noqonayso taa hore ee uu Britain ku qabsatay Markabka IRAN.

Arrintan ayaa kor u sii qaadaysa Xiisadda ka taagan Khaliijka Persia.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka