Nin Ka Baxsanayey Dab Qabsaday Dhisme 19 Dabaq Ah Oo Indhaha Caalamka Soo Jiitay

Philadelphia, (HCTV) – Nin ka baxsanayey dab ka kacay dhisme dheer ayaa gacmaha kaga soo dagay dhismahaasi, waxaana lagu magacaabay “ninkii caarada runta ah ahaa”.

Waaxda dabka ayaa gurmad ka galay dhismahaasi dabku qabsaday 9:30 maalintii khamiistii galbeedka Philadelphia, sida ay ku warantay warbaahinta CNN.

Markii ay halkaasi ay dhismahaasi 19-ka dabaq ahaa ay gaadheen, waxay arkeen nin hoos uga soo dagaya dibada dhismaha oo ka cararaya dabka ka kacay dhismahaasi.

Muuqaal Video oo la duumay markii uu ka soo dagayey daaqadaha dhismaha oo uu soo gaadhay ilaa dhulka hoose.

Dabka ayaa la rumaysan yahay inuu ka dhashay meel qashinka lagu shubo oo dhismaha ka mid ah, sida ay sheegeen waaxda dab-damisku.

Waxaana lagu guulaystay in dabkaasi la bakhtiiyo oo la badbaadiyo dhismaha, manay jirin cid wax ku noqotay dabkaasi ka kacay dhismahaasi 19-ka dabaq ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.