Britain Oo Wax Aan La Aqbali Karin Ku Tilmaantay Qabsashada Markabkooda

London, (HCTV) – Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Britain Jeremy Hunt ayaa sheegay in si xoogle ay uga walaacsan yihiin talaabooyinka dalka Iran ay ka sameeyeen Marinka Hormuz, waxaanu isugu yeedhay kulan degdeg ah saraakiisha amaanka ee dalka UK si ay uga wadahadlaan labada markab ee ku gooshayey calanka Britain iyo markabka kale ee ku safrayey calanka Liberia.

Xoghayaha arimaha dibada ee dalka Britain, Jeremy Hunt waxa kale oo uu sheegay in wax aan la aqbali karin ay tahay talabaada dalka Iran uu ku qabsaday markabkooda, isla markaana ay khatar caalamiya ku taxay marinka maraakiibta ganacsiga ee Hormuz iyo in talaabadani ay uga sii darayso xiisada ka taagan gobolkaasi.

Dhinaca kale dawladda dalka Maraykanka ayaa cambaaraysay talaabooyinka dalka Iran uu ku qabsaday labada markab, iyagoo Iran ku eedeeyey inay sii hurinayso xiisada ka taagan gacanka Persia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.