Itoobiya: 17 Qof Oo Ku Dhintay Iska Hor-imaaddo

Itoobiya (HCTV) – Ugu yaraan 17 Qof baa ku dhintay Iska hor-imaad dhex maray Ciidammada Amniga ee Dalka Itoobiya iyo Dad u dhaqdhaqaaqaya in Qoomiyadda Sidama yeelato Ismaamul gaar ah, si la mid ah Ismaamullada kale ee Itoobiya.

Mid ka mid ah Madaxda Degmooyinka ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in Sabtidii oo Shalay ahayd 13 Qof lagu dilay Magaalada Hawasa oo 275KM  koonfur ka xigta Magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa.

Cisbitaallada Magaalada Hawaasana waxa laga soo xigtay in Afar Qof oo ka mid ahaa dibed-baxayaasha Sidama u Geeriyoodeen dhaawacyo soo gaadhay Jimcihii, taasi oo tirada Dadka illaa hadda u geeriyooday Qadiyadda Qoomiyadda Sidama ku doonayaan Ismaamul-gobolleedka ka dhigaysa 17.

Sidama oo ah Qoomiyad ballaadhan oo degta Koonfurta Dalka Itoobiya ayaa ku baaqaya in la siiyo Ismaamul Gobolleed la mid ah kuwa Qoomiyadaha kale ee Dalkaasi, dibed-baxyada ay wadaana waxay cadaadis ku saarayaan Raysal-wasaaraha Abiy Ahmed.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka