Israel Oo Burburisay Guryo Falastiiniyiintu Leeyihiin Oo U Dhawaa Gidaarka Kala Qaybiya

Sur Baher, (HCTV) – Boqolaal ciidamo Israel ah oo ay la socdaan Cagafyo ayaa bilaabay in burburiyaan guryo Falastiiniyiintu leeyihiin oo ku yaala xaafada Sur Baher, inkastoo Falastiiniyiintu ay talaabadaasi ka soo horjeesteen, isla markaana cambaarayn caalamiya loo soo jeediyey.

Dadkii degenaa deegaanka deegaan u dhaw halka ay burburintu ka dhacday Wadi al-Hummus ayaa u sheegay warbaahinta maanta oo Isniin ah in 16 dhisme oo ay dad Falastiiniyiin ahi ay degenaayeen la burburiyey, lana filayo in la bartilmaameedsado ilaa boqol guri oo kale.

Milatariga Israael ayaa sheegay in guryahan oo ku dhaw Gidaarka kala qaybiya dhinaca Israel iyo dhinaca Falastiin ee Daanta Galbeed ee la haysto ay khatar amni ay ku leedahay Israel.

Maxkamada sare ee Israel ayaa xukuntay bishii la soo dhaafay in la soo afjaro dagaal sharci oo mudo todoba sanadood socday waxaanay, meesha soo dhigtay in Isniinta ay tahay maalintii u dambaysay ee ay guryahaasi u qabatay in dhulka lala simo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.