Raysal Wasaaraha Pakistan Oo Kulan La Yeelanaya Madaxweynaha Maraykanka

Islamabad, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa la filayaa inuu Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu kulan kula yeesho caasimada dalka Maraykanka, waxaana la tilmaamay in qodobada labada masuul ay ka wadahadli doonaan ay ka mid tahay hanaanka nabada ee dalka Afghanistan.

Kulankan labada hogaamiye ee dalalka Pakistan iyo Maraykanka oo ka dhici doona xafiiska Madaxweynaha Maraykanka ee Washington maanta oo isniin ah ayaa la xaqiijiyey inay isla soo qaadi doonaan xidhiidhka labada dal oo waxoogaa kala fogaansho ah laga dareemay tan iyo intii labada masuul ay xilalka dalalkaasi qabteen.

Weftiga Raysal Wasaaraha dalka Pakistan ayaa waxa ka mid ah Generaalo awood badan ku leh dalka Pakistan oo ay ka mid yihiin  General Qamar Javed Bajwa, iyo Madaxa hay’adda Mukhaabaraadka Lieutenant General Faiz Hameed, kuwaas oo iyagu dalka Maraykanka u socdaalay maalintii sabtidii.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.