Iran Oo Sheegtay Inay Qabatay 17 Basaas Oo U Shaqaynayey CIA-da

Tehran, (HCTV) – Iran ayaa sheegtay inay burburisay shabakad basaasiin ah oo u shaqaynayey CIA-da dalka Maraykanka, kuwaas oo qaar ka mid ah ay ku xukuntay dil, sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Iran.

Telefishanka dalka Iran ayaa baahiyey sawirada xubno ay ku tilmaameen in ay ka tirsan yihini CIA-da dalka Maraykanka oo ay uga shakiyeen hawlo basaasnimo ah, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa 17 basaas.

Balse ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ku saabsan eedaynta dawlada Iran oo ay soo saareen saraakiisha CIA-da iyo dawladda dalka Maraykanka toona.

Iran ayaa bishii June ku dhawaaqay in ay burbursay xayndaabka basaasiinta CIA-da, balse ilaa iyo hadda ma cada in dhawaaqan maanta oo Isniin ah ka soo baxay dalka Iran uu ku lug leeyahay kiiskaasi hore.

Waraaqo ay baahisay dawlada Iran ayaa waxa ay muujinayaan in Saraakiil ka tirsan CIA-du ay xubno u dhashay Iran ay ka qoranayaan gudaha dalka Imaaraadka Carabta si ay uga soo basaasaan dalka Iran.

Waxaanu dhawaaqani ku soo beegmaya saddex bilood ka dib xili uu sii kordhayo khillaafka u dhexeeya dawlada Iran iyo dalalka Reer galbeedka kadib markii Maraykanku uu Iran ku soo rogay cunaqabatayno dheeraad ah bishii May.

Todobaadkii la soo dhaafay dawlada dalka Iran waxa ay qabatay Markab shidaal siday oo dalka Ingiriisku uu leeyahay ka dib markii ciidamada badda ee dalka Iran ay qabteen markab siday shidaal Iran leedahay Afartii bishan July.

Si kastaba ha ahaatee war-saxaafadeed ka soo baxay dawlada Iran oo laga akhriyey Telefishanka dalkaasi ayaa Wasaarada Mukhaabaraadka ee Iran ay ku sheegtay in ay qabatay oo ay xidhay 17 basaas intii lagu gudo jiray sanadkan 2019.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.