In ka badan 50 Nibiri Oo Ay Soo Tuftay Badd-weynta Baasifiggu

Western Iceland, (HCTV) – Badd-weynta Baasifigga ayaa soo tuftay in ka badan 50 Nibiri oo dhintay oo ah nooca dhaadheer oo dhintay xeeb ku taalla Jaziirada Western Iceland.

Koox dalxiis ah oo watay diyaaradd nooca qumaatiga u kacda ah (helicopter) ayaa arkay bakhtiga nibiriyadaas oo xeebta Wadhan ama yaala, iyadoo laga cabsi qabo in qaarkood ciiddu aastay.

Muuqaalka sawirada ay Nibiriyadan dhintay ayaa goor dhawayd ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee caalamku, kuwaas oo muujinaya Badwaynta Baasifigga oo soo Tuftay nibiriyadan tirada badan.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha deegaanka ayaa walaac ka muujiyay khatar kasoo fool leh isbadalka ku yimid Cimilada Adduunka taasi oo Badd iyo Barriba laga dareemay saamayntiisa Xun ee ay yeelatay.

Si kastaba ha ahaatee dadka qaar ayaa aaminsan in saamaynta isbadalkan cimilada aduunka ku yimid mudooyinkii u dambeeyey lagu yarayn karo ama lagaga hortagi karo dhir farabadan oo la beero.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.