16 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Dhinaca Cirka Oo Lala Beegsaday Gobolka Idlib Ee Suuriya

Idlib, (HCTV) – Weerar dhinaca cirka ah oo lagu qaaday suuq aad u mashquul badan oo ku yaala magaalada maleeshiyooyinku ay gacanta ku hayaan ee gobolka Idlib oo ku yaala waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya ayaa lagu dilay ugu yaraan 16 qof sida ay ku waramayaan koox la socota dagaalka Suuriya.

Weerarkan ayaa la rumaysan yahay inay qaaday mid ka mid ah Diyaaradaha Suuriya ama kuwa Ruushka, waxaana lagu bartilmaameedsaday magaalada Mondaythe ee Maaret al-Numan, oo ku taala gobolka Koonfurta ee Idlib, halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxo mucaarid ah, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 30 qof, sida ay sheegayaan warbaahinta dalkaasi.

Waxaana goobta uu weerarku ka dhacay laga arkayey qiiq madow oo cirka isku shareeray, halka dadkuna ay usoo baxeen jidadka si ay u waaciyaan dadka waxyeeladu ka soo gaadhay.

Gobolkan Idlib ayaa tan iyo intii dagaaladu ay ka bilaabmeen dalkaasi wheel u noqday weeraro ba’an oo dhinaca cirka iyo banbooyin maalinle ah oo ay ku qaadaan ciidamada dalka Suuriya oo gacan saar la leh dalka Ruushka.

Sidoo kale gobolkan Idlib ayaa ah gobolkii ugu dambeeyey ee ay ku xoogan yihiin maleeshiyooyinka ka dagaalamaya dalkaasi oo ay gacanta ku hayaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.