Maraykanka Oo Iska Xil-saaraya Amniga Maraakiibta Isticmaala Marinka Hormuz

Aspen, (HCTV)  – Dawlada Maraykanka ayaa walaac xoogle ka qabta khaladaadka dawladda Iran ee dhalinkara dagaal ka dhaca Gacanka, xiligan oo Maraykanka iyo xulafadiisu ay diyaarinayaan inay bilaabaan marin furan oo si xor ah ay u isticmaalaan maraakiibtu.

“Waxa aanu bilaabaynaa qorshe cusub oo aanu kaga fikirayno anaga iyo dalal kale sidii aanu samayn lahayn jid cusub oo si xor ah ay u maraan maraakiibta ganacsiga ee isticmaasha Marinka Hormuz iyo Gacanka Persia,” sidaasi waxa yidhi Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka John Rood oo ka hadlayey shir amaanka ku saabsan oo ay sabtidii ku yeesheen Magaalada Aspen.

Maraykanku waxa uu wada-xaajood la leeyahay gaashaanbuurta NATO iyo xulafo kale oo gacanka ka tirsan si ay u sii wadaan dedaalada marin biyoodkaasi muhiimka ah.

Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Mr Rood waxa uu intaasi ku daray in Maraykanku aanu doonayn dagaal uu la galo Iran, Balse Jamhuuriyada Islaamiga ah waxa ay doonayso, Shaki kuma jiro in Maraykanku uu difaacayo ciidamadiisa iyo dadkiisa.

“Xiisadduna waxa ay cirka isku shareertay markii Iran ay khaladaad samaysay iyada oo qaaday talaabooyin ay ku qabsatay maraakiib Marayay marin biyoodka Hormuz oo uu ka mid ahaa markab uu leeyahay dalka Ingiriisku.” ayuu sheegay Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, kaasi oo intaasi ku daray in dawladdiisu doonayso inay Masuuliyad iska saarto sidii Maraakiibta Caalamka ee Marinka Hormuz adeegsadaa ay nabadgalyo halkaa ugu mari lahaayeen, iyaguna Dawlad ahaan ay hawl-gelin doonaan diyaaradahooda wax basaas iyo Ciidammada Sirdoonka, si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Cidda doonaysa inay waxyeelayso Maraakiibta Adduunka isaga kala gooshaya ee isticmaalaya marinta Hormuz.

Marinkan waxa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ka qabsatay laba Markab oo midkood uu Ingiriisku leeyahay, ka waxaana hore u jiray Maraakiib illaa lix gaadhaya oo Imaaraadka u rarnaa oo lagu waxyeeleeyay aaggaasi, arrimahaas oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Cirka ku shareeray Xiisadda Maraykanka iyo IRAN.

IRAN ayaa Tallaabooyinka ay ku qabsatay Maraakiibta kaga jawaabtay Markab iyadu ay leedahay oo Dawladda UK ku qabatay isagoo Suuriya u sida Shidaal, isagoo Ingiriisku ku andacooday inuu ilaaliyo Cunaqabaynta Qaramada Midoobay ku soo rogtay IRAN.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka